Madaxweyne Saciid Deni oo ka hadlay nooca Xukuumaddiisa noqonayso - damqo

Madaxweyne Saciid Deni oo ka hadlay nooca Xukuumaddiisa noqonayso

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay nooca ay noqon doonto Xukuumadda cusub ee uu soo magacaabi doono,hadii la Caleemo-saaro.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Golaha Wasiirada lagu soo dhisi doono aqoon, waayo aragnimo, Dhalinyaronimo  iyo daacad.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tilmaamay in Golaha Wasiirada Haweenka ay qoondo wanaagsan ku ay ku leelan doonaan,isla markaana ay ku qancayaan.

Bulshada reer Puntland ayuu sheegay Madaxweyne Saciid Deni in Go’aanka ay iyaga leeyiin,isagoona rajeeyay in uu soo dhisi doono Gole Wasiiro loo dhanyahay.

Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Dr, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa lagu wadaa in markii la caleemo saaro uu soo dhiso Golaha Wasiirada cusub ee Maamulka Puntland.

 

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register