Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka hor yimid 3da qodob e gudomiye Mursal - damqo

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka hor yimid 3da qodob e gudomiye Mursal

(DMN) : Talyaniga – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal oo tani iyo markii uu Muqdisho dib ugu soo laabtay kulamo gaar gaar ah la yeelanaayay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Labadiisa kuxigeen ayaa kulamada qaar la isku fahmi waayay.

Kulamada qaar oo qaatay saacado badan ayaa kii ugu dambeeyay ee la isku fahmi waayay waxaa ahaa mid xalay si gaar ah u dhex maray Guddoomiye Mursal, Ra’iisul Wasaaraha iyo Kusimaha Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida.

Waxaa soo ifbaxaya in Guddoomiye Mursal uu aad ugu dhegan yahay saddex


qodob, diideyna inuu wada xaajood ka geli doonin.

Qodobada uu Guddoomiyaha ka biya diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah

1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo

2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin

3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii guddoomiyaha Baarlamaanka uu uga tanasuli lahaa qodobada uu ku dhegan yahay

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register