Jamaahiirta Real Madrid ayaa maqlay war farxad leh kadib markii UEFA ay go’aan ku qaadaay ineysan ciqaabin Sergio Ramos - damqo

Jamaahiirta Real Madrid ayaa maqlay war farxad leh kadib markii UEFA ay go’aan ku qaadaay ineysan ciqaabin Sergio Ramos

Jamaahiirta Real Madrid ayaa maqlay war farxad leh kadib markii UEFA ay go’aan ku qaadaay ineysan ciqaabin Sergio Ramos oo isagoo ganaaxan soo istaagay kursiga keydka kooxdiisa kulankii lugta labaad ee Juventus.

Kabtan Sergio Ramos ayaa jaale qaatay kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Juventus lugta hore wareega quarter final-ka, waxeyna aheyd inuu seego lugta labaad isagoo soo qeybta kore ee garoonka soo fariistay ilaa daqiiqadahii ugu dambeeyay ciyaarta.

Sergio ayaa is celin waayay oo soo dagay, waxaana laga keenay muran ah in la ciqaabo maadama uu soo dagay, balse haatan UEFA waxey xaqiijisay inuusan wax xeer ah ku xadgudbin Sergio

Sharciga UEFA wuxuu qorayaa xidigii garoonka gudaha u gala in la ciqaabi doono


, sidii ku dhacday Xabi Alonso kaas oo isagoo ganaaxan final-kii Champions League 2014 gudaha garoonka u galay si uu goolasha kooxdiisa ugu dabaal dago, waxaana lagu ciqaabay kulan dheeri ah.

UEFA waxey qirtay inuusan Ramos gudaha garoonka usoo galin balse uu taagnaa kaliya qeybta badalka kooxdiisa, loona ogol yahay – sidaas darteed xeerka ayaa cafinaya mana mari doono wax ganaax ah.

        Damqo.com

Xafiiska Damqo Talyaniga

Damqomedia@gmail.com

 

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register