Chelsea Oo Shaacisey in Diego Costa, oo si rasmi ah ugu wareeygay Attaletico Madarid. - damqo

Chelsea Oo Shaacisey in Diego Costa, oo si rasmi ah ugu wareeygay Attaletico Madarid.

Kooxda kubadda cagta Chelsea ee waddanka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaadday in dhaliyeheeda Diego Costa uu dib ugu laaban doono kooxdiisii hore ee Atletico Madrid, kaddib markii labada naadi ay arrintaasi ka wada heshiiyeen.
Costa ayaa haatan tijaabada caafimaad u sii maraya kooxda Atletico Madrid, isagoo si toos ahna ugu wareegaya marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Bisha Janaayo.
Atletico ayaa iyadana dhineceeda


sheegtay in laacibkeedii hore ee Costa, oo 28 jir ah kaas oo naadiga ka tegay 2004 xilligaas oo uu ku biiray Chelsea uu maalmaha soo socda tijaabada caafimaad u mari doono.
Diego Costa, oo ka tirsan xulka Qaranka Spain ayaan u dheelin kooxda Chelsea xilli ciyaareedkan, isagoo inta badanayd bishii Agoosto ku maqnaa dalka uu asal ahaanta ka soo jeedo ee Brazil.
Tan iyo markii ay Chelsea 32 Milyan oo Gini ku soo iibsatay 3 sanadood ka hor waxa uu u dheelay 120 kulan ciyaareed, isagoo u dhaliyay 58 gool, xilli ciyaareedkii la soo dhaafayna kula guuleystay Horyaalka Ingiriiska.
Damqo.com
Damqomedia@gmail.com

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register