Faah faahin:-Toogasho ka dhacday Xaafad ka tirsan Muqdisho - damqo

Faah faahin:-Toogasho ka dhacday Xaafad ka tirsan Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha Degmada yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dishay Odey si weyn looga yaqaanay Degmadaasi.

Dilkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafadda Towfiiq ee Degmada yaaqshiid,isla markaana lagu  fuliyay Odeyga, xili oo ku sugnaa meel ku dhow gurigiisa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Sheekh Iidle,waxaana toogtay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado,iyagoo durbo goobta ka baxsaday.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in Odeyga la dilay


uu ahaa Macalin wax ka dhiga Jaamacadda Muqdisho oo kamid ah Jaamacadaha dalka ku yaalla.

Qaar kamid ah Ehelada Marxuumka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,waxaana howlgalo ay ka sameeyeen Xaafadda  Towfiiq ee Degmada yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan,kuwaasi oo mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register