DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Muqdisho - damqo

DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Muqdisho

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow waxa laga maqlay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid lagu xiray Gaari nooca raaxada ah ,isla markaana qarxay xili uu marayay agagaarka Isbitaalka Digfeer Degmada Hodan.

Wararka qaar aan helnay ayaa sheegaya in Gaariga qarxay uu lahaa Nabadoon magaciisa lagu soo gaabiyay Muxudiin Bagaas,kaasi oo ka badbaabay qaraxa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in qaraxa


khasaaro uusan geysan,uuna ku qarxay wadada laamiga ah ee agagaarka Isbitaalka Digfeer Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay tegay,iyagoo halkaasi xiray,waxaana goobta ay ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu u dhacay qaraxa.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay agagaarka Isbitaalka Digfeer Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register