DEG DEG:-Dab Xoogan oo Caawa ka socdo Suuqa Bakaaraha - damqo

DEG DEG:-Dab Xoogan oo Caawa ka socdo Suuqa Bakaaraha

 

Waxaa Caawa Suuqa weyn ee Bakaaraha ee ee Magaalada Mqudisho ka socda Dab xoogan,kaasi oo geystay Khasaaro kala duwan

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dabka uu markii hore ka kacay qeybta dharka Huudheyda,isla markaana uu ku fiday ilaa qeybta Maacuunta lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha,uuna yahay mid xoogan.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in goobta ay tageen Gaadiidka dab-damiska ee dowlada Hooose,waxaana haatan socda gurmad deg deg ah oo lagu daminayo dabkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta,waxaana dad ay u diidayan ay galaan Suuqa gaar ahaan qeybta uu dabka ka socdo.

Ilaa iyo hadda lama Oga waxyaabaha sababay in dabkaan Caawa ka socda Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho uu kaco.

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register