Warar Dheeraad ah oo ku Saabsan Qarax Xoogan oo lagu Dilay Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xooga Dalka. - damqo

Warar Dheeraad ah oo ku Saabsan Qarax Xoogan oo lagu Dilay Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xooga Dalka.

(DMN) : Talyaniga – Warar Dheeraad ah oo ku Saabsan Qarax Xoogan oo lagu Dilay Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xooga Dalka.

Faaf-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax xooggan oo ka dhacay ka dhacay deegaanka Dhadhaane ee gobolka Shabeellaha Hoose oo koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho.

Qarax oo la sheegay inuu ahaa miino lagu aasay waddada dhinaceeda ayaa lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo la socotay taliye sare oo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Xogta nasoo gaareysa ayaa sheegeysa in qaraxa lagu dilay taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo abaanduulaha


qeybtaas Jeneral Cabdi Cali Jamaame.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay shan qof oo kale, waxaana jira dhaawac soo gaaray ciidamo kale, oo aan weli la ogeyn tirada rasmiga ah.

Allaha u naxariistee Jeneral Cumar Dheere, oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada dalka, xilligii Maxamed Siyaad Barre, ayaa dowladdii KMG aheyd waxa uu kasoo noqday wasiir ku xigeen iyo xildhibaa.

Meydka Taliyaha iyo abaanduulaha ayaa la keenay magaalada Muqdisho.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register